Ayeeyo 91 Jir Ah Oo Jaamacad Ku Taalla Dalka Thailand Dhamaysatay
wwwwwwwwwwwwwwwwwwwwww
August 10th, 2017
203 Views

Ayeeyo 91 Jir Ah Oo Jaamacad Ku Taalla Dalka Thailand Dhamaysatay

 

 

 

 

 

(DLN-Thailand)-Haweenaydan oo u dhalatay dalka Thailand ayaa jirta 91 sano, waxaynta tiri “Wakhti kaama tegayo si aad u wax u barato”. Waxayna dhamaysay heerka koowaad Jaamacadda, kadib 10 sano oo ay dadaal dheer ku bixisay.

 

 

Qalin jebintii Kimlan waxaa ka qayb galay qaar kamid ah ehelkeeda

 

 

Kilman Jinakul ayaa mar walba ku adkaysanaysay in ay aado jaamacadda, laakiinse intii ay dhalinyarada ahayd uma helin jaanis ay ku aado.

 

 

Mudo dheer kadib, oo ay aragtay caruurteedii oo dhameeyey jaamacadaha, ayay go’aansatay in ay ka dhabayso hammigeedii, ugu danbayna Arbacadii lasoo dhaafay ayay qalin jebisay.

 

 

 

 

Haweenaydan ayaa kasoo jeeda gobolka Lampang oo ku yaalla Waqooyiga Thailand. Waa qof dadaal badan waxayna ku biirtay mid kamid ah iskuulada ugu tayada fiican ee gobolkaas ku yaalla.

 

 

In ay aado Jaamacadda, ma ahayn wax sahlan, muddo yar kadibna ehelkeeda ayaa u wareegay magaalaada Bankok, halkaas ayayna ku guursatay waxaana ku burburay rajadeedii ahayd in ay mar uun jaamacad aado.

 

 

“Inta badan, waxaan dooni jiray in caruurtaydu Jaamacad helaan. Marka waan dhiiri gelin jiray waana taageeri jiray, marka ay doonayaan in ay jaamacadda ku biiraan.”

 

 

Lahaanshaha sawirkaPANUMAS SANGUANWONG/BBC THAIImage captionQalin jebintii Kimlan waxaa ka qayb galay qaar kamid ah ehelkeeda

 

 

Afar kamid ah shanteeda ciyaala ayaa qaatay heerka labaad ee Jaamacadda ‘Masters’, mid kamid ahna waxa uu doonayaan in uu Maraykanka ka qaato shahaadada PHD-da.

 

 

Waxbarashada caruurteedu ay helaan ayaa haweenaydan markale ku dhiiri geliyay in ay jaamacad aado.

 

 

Farxad iyo Nolol fiican

 

 

Mid kamid ah caruurteeda oo ka shaqaysa Isbitaal ayaa iyana markii danbe go’aansatay in ay shaqo u raadsato dibada.

 

 

72 sano ayay jirtay markii ay bilawday jaamacadda, laakiinse geerida mid kamid ah gabdheheeda ayaa ku khasbay in ay dhowr sano waxbarashadeeda joojiso.

 

 

Markii ay jirtay 85 sano ayay markale dib ugu laabatay Jaamacadda, waxayna baratay deegaanka iyo dadka, waxayna ku tilmaamtay in aqoontu ay ka saacidayso in ay si fiican oo farxad leh u noolaato.

 

 

 

“Kadib markii aan kasoo kabtay geeridii iyo muragadii, waxaan naftayda ku khasbay in ay jaamacadda dhamayso, waxaan rajaynayaa in gabadhaydu ay arrintan ku farxi doonto”, ayay tiri haweenaydan oo BBC la hadashay.

 

 

Lahaanshaha sawirkaPANUMAS SANGUANWONG/BBC THAI

 

 

Intii ay ku guda jirtay sanadeheedii waxbarasho, waxaa caado u ahayd in ay xilli hore aroortii kacdo, isla markaana ay quudiso daanyeerada, waxayna fadhiisan jirtay miis si ay halkaas wax ugu akhrisato.

 

 

Lahaanshaha sawirkaKIMLAN JINAKULImage caption10 sano ayay ku qaadaty Kilman in ay jaamacadda ku dhamayso

“Ma aha wakhti danbe, maskaxdaydu weligeed way soo jeeday wayna firfircoonayd si ay wax u barato,” ayay tiri Kilman.

 

 

“Adduunkan ma istaagayo. Weligeed waxaa jiraya caqabado ay tahay inaan xallino. Haddii aanu jirin micne, horumarka adduunku waa istaagayaa,”

 

 

 

Habka guusha

 

 

Markii la waydiiyay sirta ka danbaysa guusheeda, waxay ku jawaabtay waa go’aan iyo hiigsi waxa halkaas i gaarsiiyay.

 

 

“Markaan naftayda u sheego inaan hal qayb dhammeeyo, awooda intaan samayn karo ayaan dadaalaa. Waxaan hoosta ka xarriiqaa dhammaan qodobada aan u baahanahay si aan u xasuusto. Waana waxa i saaciday mudadii aan waxbarashada ku dhex jiray.

 

 

“Aad baan farxayay markaan guulaysto, waana murugoon jiray hadddii aan dhaco. Sidaas daraadeed waxaan markale samayn jiray imtixaanka si aan u guulaysto”. ayay tiri iyada oo qoslaysa.

 

 

Marka muxuu yahay qorshaha ay u qaadatay shahaadada jaamacadda?.

 

 

“U malayn maayo in qofna shaqo i siin doono haddii aanba shaqo raadsado” ayay ku kaftantay.

 

“Waan sii wadi doonaa inaan xanaanayeeyo caruurta aan ayeeyada u ahay.”