Ciidamada Ciraaq Oo Howlgal Socday Muddo Ka Yar 24 Saacadood Kula Wareegay Magalada Kirkuk
wwwwwwwwwwwwwwwwwwwwww
October 17th, 2017
42 Views

Ciidamada Ciraaq Oo Howlgal Socday Muddo Ka Yar 24 Saacadood Kula Wareegay Magalada Kirkuk

 

 

 

(DLN-Kirkuk)-Ciidamada dowladda Ciraaq ayaa si buuxda ula wareegay magaalada lagu muransan yahay ee Kirkuk.

 

 

 

 

 

Ciidamada Ciraaq ayaa waxa ay magaaladan kala wareegeen dagaalyahanada Kurdiyiinta ka dib howlgal socday muddo ka yar 24 saacadood.

 

Gawaari gaashaaman ayaa lagu arkayay bartamaha magaalada waxaana calanka Ciraaq laga taagay xarumaha dowladda.

 

Kumannaan qof oo rayid ah ayaa isaga qaxay magaalada Kirkuk .

 

 

Militariga Mareykanka oo horey u taageeray dowlada Ciraaq iyo Kurdiyiinyiinta ayaa waxa ay ku baaqeen in khilaafka lagu xaliyo wadaxaajood.

 

 

Madaxwayne Trump ayaa aqalka cad ugu sheegay wariyayaasha in Mareykanka aysan dhinacna u xaglin doonin.

 

 

Qabsashada magaalada Kirkuk ayaa ku soo beegmaysa todobaadyo uun ka dib markii dadka Kurdiyiinta ay u codeeyeen afti madaxbanaani.