Daawo Sawiro Hor Leh Oo Laga Soo Bandhigay Actionka Salman Khan Kusoo Bandhigi Doono Filimka Tiger Zinda Hai
wwwwwwwwwwwwwwwwwwwwww
July 23rd, 2017
342 Views

Daawo Sawiro Hor Leh Oo Laga Soo Bandhigay Actionka Salman Khan Kusoo Bandhigi Doono Filimka Tiger Zinda Hai

 

 

 

 

 

 

Mega Star Salman Khan todobaadkii hore wuxuu ka qayb galay xafladii IIFA 2017 ee lagu qabtay magaalada New York dalka Mareekanka.

 

 

Balse si dhaqsi ah ayuu IIFA 2017 kaga soo laabtay wuxuuna u duulay dalka Morocco oo uu haatan ku duubayo filimkiisa weyn Tiger Zinda Hai.

 

 

 

Waxaa lasoo bandhigay sawiro gaar ah Salman oo duubayo filimkaan weliba waxaa la sheegay in sawirada ay yihiin muuqaalada ugu horeeyo ee filimka Tiger Zinda Hai ku bilaaban doono ama Salman shaashada kaga soo muuqanayo.

 

 

 

 

 

 

Salman Khan dhawaan wuxuu sheegay in Tiger Zinda Hai sheekadiisa ay ku jiraan dhacdooyin sirdoon xaqiiqo ah wuxuuna yiri “Sheekada Tiger Zinda Hai waxaa ku jiraan dhacdooyin xaqiiqo ah, waana sheeko aad u wanaagsan, laakiin sheekada dhabta ah filimkaan xambaarsan yahay idiin ma sheegi karo, waayo Aditya Chopra ayaa dilaayo!”

 

 

 

 

 

 

Filimka Tiger Zinda Hai waxaa Director ka ah Ali Abas Zafar halka Katrina Kaif ay atirisho kowaad ka tahay waxaana la daawan doonaa 22 December 2017 dabyaaqada sanadkaan.

 

 

 

 

 

Filimside