DEG DEG : Gudoomiye Cirro Oo Iska Casilay Xubinimadii Uu Ka ahaa Golaha Wakiilada Somaliland Iyo Magaca Xildhibaanka Booskaasi Soo Buuxin Doona Oo Uu Shaaciyay
wwwwwwwwwwwwwwwwwwwwww
October 11th, 2017
53 Views

DEG DEG : Gudoomiye Cirro Oo Iska Casilay Xubinimadii Uu Ka ahaa Golaha Wakiilada Somaliland Iyo Magaca Xildhibaanka Booskaasi Soo Buuxin Doona Oo Uu Shaaciyay

 

 

 

Gudoomiye Cirro Oo Iska Casilay Xubinimadii Uu Ka ahaa Golaha Wakiilada Somaliland Iyo Magaca Xildhibaanka Booskaasi Soo Buuxin Doona Oo Uu Shaaciyay

 

 

 

Gudoomiyaha ahna murrashaxa madaxwayne ee xisbiga WADDANI sidoo kalena ahaa xildhibaan ka tirsan golaha wakiilada Somaliland ayaa shaaca ka qaaday inuu gabi ahaanba baneeeyey xubinimadii xildhibaanimo ee uu ka ahaa golaha wakiilada Somaliland kana tirsanaa golahaasi muddo dheer oo 12 sano ah.

 

 

Shabakada DalmarNews oo ay soo gaadhay warqad uu Murrashax Cirro ku socodsiinayo shir gudoonka golaha wakiilada Somaliland kuna cadaynayo inuu baneeyay booskaas xildhibaanimo ayaa waxay u dhignayd sida tan.

 

 

 

Ku:- Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland
Og:- Xoghayaha Guud Ee Golaha Wakiilada

Ujeedo:- Banayn Xubinimadii Golaha Wakiilada Somaliland
Mudane Gudoomiye
Aniga oo ah mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro),waxaan manta oo taariikhdu tahay 10.October .2017 iska casilay xubinimadii golaha Wakiilada Somaliland.
Waxaan gole waynaha u rajaynayaa guul,shaqo wanaagsan iyo xil gudasho wanaagsan,sidoo kalena waxaan Illaahay ka rajaynayaa inuu quweeyo dalkeena Somaliland,dadkiisana Barwaaqo ku mannaysto.

 

 

 

 

Allah Mahad Leh

Dr Cabdiraxmaan Maxmed Cabdilaahi (Cirro).

 

 

 

 

 

 

Mudanaha booskan uu baneeyey murrashax Cirro soo buuxin doona ayaa DalmarNews xog ay heshay lagu sheegay inuu yahay Abwaan Gaaxnuug oo kazoo jeeda gobolka Saaxil,isla markaan ahaa sida naloo sheegay xildhibaankii xagga codka kusoo xigay murrashax Cirro.