Dhiigkarka Carruurta, Sababaha Keena Iyo Sida Looga Hortegi Karo
wwwwwwwwwwwwwwwwwwwwww
October 10th, 2017
113 Views

Dhiigkarka Carruurta, Sababaha Keena Iyo Sida Looga Hortegi Karo

 

 

 

 

 

 

Hargeisa (Dalmar-News):-Dhiigkarku waxa uu ka mid yahay dhibaatooyinka caafimaad ee carruurta dunida maanta sida aadka ah ugu soo badanaya. Sababaha keenana waxaa ugu badan miisaanka carruurta ee sii kordhaya iyo xarakaadka iyo ciyaarta oo ku yaraaday carruurta, waxaa iyaduna qayb weyn sababta ka ah isticmaalka badan ee internet ka.

 

 

 

Cilmibaadhis caalamiya oo uu Geeska Afrika natiijadeeda ka soo xigtay shabakadda Aljasiira wararka ee Aljasiira ayaa daahfurtay in uu xidhiidh ka dhexeeyo Dhiigkarka iyo buurnida iyo isticmaalka badan ee shaashadaha multimedia loo yaqaanno iyo internet ka. Cilmibaadhayaasha oo sharraxaya waxa ay uga jeedaan ‘Isticmaalka badan’ ayaa sheegay in uu yahay marka maalin kasta laba saac la isticmaalo. Waxa aana waajib ah in dhiigkarka la daweeyo waqtiga ku habboon, haddii kale uu keenayo khatarta ah in uu dhaawac gaadhsiiyo wadnaha, kelyaha iyo in uu dhiigfuran maskaxda ku keeno.

 

 

Hay’adda ‘Caafimaadka ubadka’ oo ka jirta dalka Jarmalka ayaa caddaysay in dhiigkarku aanu ahayn cudur ku kooban dadka waaweyn, balse carruurtana uu ku dhaco, waxa aanu ka mid yahay sababaha ugu badan ee keena xanuunnada ku dhaca xididdada iyo halbawlayaasha dhiigga, ugu dambayntana keena xanuunnada wadnaha ku dhaca, dhiigfuranka maskaxda iyo khalkhal ku yimaadda wareegga dhiigga iyo kelyaha oo fadhiista.

 

 

Warbixinta ay hay’addan Jarmalka ahi soo saartay ayaa intaas ku daraysa in dhiigkaru uu yahay xanuun muddo dhuunta oo aanu qofku hore uga caban taasina ay keento in la ogaado ama wax-ka-qabashadiisa la bilaabo xilli aan waxba laga qaban karin.

 

 

Xeeldheerayaasha Jarmalku waxa ay intaas ku dareen in ogaanshiyaha dhiigkarka oo dadka waaweynba dhibaato badan lagala kulmo ay carruurtuna ka sii xagjirto, iyada oo ay adagtahay in bilowga xanuunkan ee carruurta la ogaado maadaama oo aan laga filayn iyo sababta kale oo ah cudurkan oo marka uu carruurta ku dhaco mararka qaarkood dhuunta ama muddo si buuxda jidhka looga wada waayo, haddana dib u bilowda.

 

 

 

Calaamadaha Dhiigkarka carruurta lagu garto ay ka mid tahay madax-xanuun, dawakhaad, sanka oo dhiigka yimaaddo, (Sanboor), dhegaha oo dhawaq ama danan ka dhex yeedho, daal degdeg ah iyo hurdada oo ilmaha ka xumaata, laakiin dhibaatadu ay tahay dhakhtarka carruurta oo marka calaamadahan ilmaha loogu sheego aan hore ugu qaadan in dhiigkar jiro oo aanu ka filayn ilmaha da’diisa awgeed, sidaa awgeed raadiya ama daweeya xanuunno kale oo laga yaabo in ay calaamadahan leeyahay.

 

 

Cilmibaadhistu waxa ay sheegtay in dhiigkarka oo carruurta ku dhacaa uu raad ku yeesho marxaladaha kala duwan ee cimrigiisa, haddii aan laga daweyna ay suurtogal tahay in ilmahaas lagu arko xanuunnada ku dhaca wadnaha, keliyaha iyo in xitaa mustaqbalka dhiig kaga furmo maskaxda.

 

 

 

Carruurta dhiigkarka halista u ah

 

 

Jimciyadda la dagaallanka dhiigkarka ee Yurub waxa ay ku talinaysaa in dhakhaatiirtu ay si aad u dhow ula socdaan dhiigkarka carruurta oo laga bilaabo marka ilmuhu gaadho saddex sano iyo wixii ka dambeeya si joogto ah loo hubiyo wareegga dhiiggiisa.

 

 

Jimciyadda oo ka hadlaya carruurta xanuunkan dhiigkarka halista u ah ayaa si gaar ah u xustay carruurta buuran, ama dufanka dhiiggoodu uu inta dabiiciga ah ka bato, carruurta waalidkooda ama qoyskooda uu ku badan yahay xanuunka dhiigkarku iyo carruurta uu wadne xanuun ku dhaco aabayashood oo aan gaadhin 60 jir ama aabayaashood oo aan toddobaatan sano gaadhin dhiig kaga furmo maskaxda.

 

 

 

Siyaabaha looga hortegi karo

 

 

Waxa ay khubaradu sheegeen in siyaabaha ugu fiican ee looga hortegi karo dhiigkarka carruurta ay ka mid tahay in wax laga beddelo hab-nololeedkooda, gaar ahaan in la dhimo miisaanka dheeraadka ku ah, in laga yareeyo isticmaalka saliidaha, dufanka iyo milixda. Waxa aana fiican in loo badiyo cunista khudradaha noocyadooda kala duwan iyo cuntada midaha ah, (Galka leh/Waddaniga). Waxa kale oo muhiim ah in carruurtu ay maalin kasta ugu yaraan 60 daqiiqo ciyaaraan ama jimicsi sameeyaan. Ugu dambayntiina waxaa muhiim ah in ilmaha laga xakameeyo isticmaalka badan ee qalabka casriga ah sida talefannada gacanta iyo qalabka la midka ah sida ‘Tablet ama iPad’ oo leh shaashadaha ay daraasaddu ka digtay ee Multimedia (Shaashadaha maqal iyo muuqaalka ah) maadaama oo ay ka mid yihiin arrimaha sababta u noqon kara dhiigkarka carruurta. Sababtuna ay tahay ilmaha oo isticmaalkooda xiisaha leh isku ilaabaya.

 

 

 

Waxa ay xeeldheereyaashu sheegeen in ay jiraan dawooyin dhakhaatiirta takhasuska ahi u qoraan carruurta looga cabsi qabo dhiigkarka, taas oo daweyn fiican u noqon karta dhiigkara.

 

 

 

 

 

 

Geeska