Daawo Sawirada : Guddoomiye Cirro oo Gurigiisa Ku Booqday Suldaanka ugu Da’da Weyn Salaadiinta Somaliland Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali
wwwwwwwwwwwwwwwwwwwwww
July 2nd, 2015
2603 Views

Hargeisa (Dalmar-News) – Guddoomiyaha aqalka Golaha Wakiilada Somaliland ahna guddoomiyaha Xisbiga Waddani Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa gurigiisa ku booqday suldaanka ugu da’da weyn salaadiinta Somaliland Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali oo muddooyinkii danbe xanuun u jiifay.

 

 

 

 

suld

 

 

 

Booqashadan ayaa waxaa guddoomiyaha ku wehelinaayey xoghayaha guud ee aqalka Golaha Wakiilada Cabdirisaaq Siciid Ayaanle, guddoomiye ku xigeenkii hore ee guddida Komishanka Doorashooyinka Cali Kubad iyo qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Xisbiga Waddani.

 

 

 

 

Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro), ugu horeyn waraystay xaaladda caafimaad ee Suldaanka, waxaana uu Illaahay uga baryey in uu xanuunka ka dulqaado, caafimaad taam ahna uu siiyo sida oo kale uu cimrigiisa u barakeeyo.

 

 

 

Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali oo ah suldaanka guud ee beelaha Habar-jeclo, ayaa muddooyinkii danbe u jiifay xanuun, isaga oo hada u muuqda in u sidii hore ka soo raynaayo.

 

 

 

 

 

imageimageimage

 

 

 

 

 

 

 

Dalmarnews.com/Office
Hargeisa/Somaliland
admin@dalmarnews.com