Magaalo Madaxda Somaaliya Ee Muqdisho oo lagu soo bandhigay laba nin oo Shabaab ah (SAWIRRO)
wwwwwwwwwwwwwwwwwwwwww
November 2nd, 2016
322 Views

{Dalmarnews} Waxaa gelinkii dambe ee maanta Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir lagu soo bandhigay laba nin oo ka tirsan maleeshiyada Ururka Al Shabaab, ka dib markii lagu guuleystay in gacanta lagu soo dhigo, wax yar uun ka dib xilli ay ku dileen nin Nabadoon ahaa.

 

Nabadoonka oo lagu magacaabi jiray Nabadoon Hilowle Xaafow Xuseen, ayay ka toogteen madaxa, iyagoo kaga dhuftay illaa saddex xabadood. Dhaawac culus oo weerarkaasi ka soo gaaray ayuu ugu geeriyooday Isbitaalka Madiina oo ku yaala Degmadaasi Wadajir.

 

Askari la sheegay inuu goobtaasi ka dhawaa, ayaa rasaas ku dhaawacay raggaasi, xilli ay damacsanaayeen inay ka baxsadaan goobtii ay ku toogteen Nabadoonka.

 

Ilaalada Gudoomiyaha Degmada Wadajir, Axmed Cabdulle Afrax oo durbaba soo gaaray goobtaasi, ayaa waxay la wareegeen oo ay gacanta ku dhigeen dembiile-yaasha.

 

 

 

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Boorsaani), Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir, Bishaar Abshir Geedi, Gudoomiyaha Degmada Wadajir iyo masuuliyiin kale, ayaa ku sugnaa goobta lagu soo bandhigay xubnahaasi.

 

Duqa Magaalada Muqdisho, ayaa shan kun oo lacagta Mareykanka ($5,000) ku abaalmariyay askartii gacanta ku dhigtay labada nin ee ka tirsan Ururka Al Shabaab.

 

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, C/fitaax Cumar Xalane oo la hadlay Saxaafadda, ayaa sheegay inay shaqo wanaagsan qabteen askartaasi.

qabasho

qabasho1

qabasho2

qabasho3

qabasho4

qabasho5

qabasho6