Maxaad Kala Socotaa Kooxda Ugu Qaalisan Saaxada Kubada Cagta Ee Wakhtigan?
wwwwwwwwwwwwwwwwwwwwww
September 9th, 2017
178 Views

Maxaad Kala Socotaa Kooxda Ugu Qaalisan Saaxada Kubada Cagta Ee Wakhtigan?

 

 

 

 

 

 

England (Dalmar-News) Badanka way adkaataa in kooxda ciyaartooyada ugu qaalisani joogaan la odoroso, balse hadana marka loo eego qiimaha ciyaartooyadeeda lagu heli karo waa wax iska fudud. Waxaana booskan badi ku loolama labada naadi ee reer Spain ee Barcelona iyo Real Madrid oo la odhan karo wakhtigan waa kooxaha ugu adag kubada cagta dunnida.Xilli hore ayey dadku maanka ku hayeen

 

 

 

in Real Madrid ay tahay kooxda ugu qiimaha badan dunida marka la eego xidigaha u ciyaara sidey qiimo sare uga leeyahiin kubadda cagta, balse xog uu baahiyay website-ka Transfermarkt ayaa lagu xaqiijiyay sida dhabta ah ee jirta.Transfer market ayaa badanka qiimayn ku sameeya arimaha dakhliga ee suuqa kala iibsiga ciyaartooyada kubada cagta. Hadaba qiimaayn ay sameeyaan ayaa ay kusoo bandhigeen in kooxda  Real Madrid safkeeda lagu qiimeeyay aduun dhan 774 Milyan oo Euro, waxeyna 30 Malyan oo Euro ka sara mareen Barcelona oo booska labaad soo gashay laguna qiimeeyay 744 Malyan oo Euro, halka ay booska sadexaad soo istaagtay Chelsea oo xidigaheeda lagu qiimeeyay 644 Malyan oo Euro.

 

 

 

Inkastoo kooxda ay lumisay xidigo ay ka mid yahiin: Alvaro Morata iyo James Rodriguez, hadana safka haatan uu heysto Zidane ayaa si weyn loo qiimeeyay, waxaana kooxda ku jira xidigo aan sidaas qiimo badan loo tixgelin sida ciyaartooyga cusub ee kooxda Dani Ceballos iyo xidigaha da’da yar ee Vallejo iyo Marcos Llorente.

 

 

Cristiano Ronaldo ayaa noqday xidigaha ugu qiimaha badan safka Real Madrid, 100 Malyan oo Euro ayaa lagu qiimeeyay, Gareth Bale ayaa hoos u dhac ku yimid kaas oo 80 Malyan oo Euro lagu qiimeeyay walow laba bilood ka hor aad lagu qiimeeyay 90 Malyan oo Euro.Xidiga khadka dhexe ee Toni Kroos ayaa noqday xidiga sadexaad ee Madrid ugu qiimaha badan kaas oo lagu qiimeeyay 70 Malyan oo Euro.

 

 

 

Kaliya xidigaha Bale iyo Modric ayaana hoos u dhac ku yimid qiimayntii ugu dambaysa. Dhanka kale, kooxda Barcelona ayaa iyadu hoos u dhac wayni ku yimid maadaama oo ay iibiyeen xidigii reer Brazil oo 222 lagu kala iibsaday, taasina waxay muujinaysaa inay Real fursada ka heshay inay hor kacdo liiska qiimaynta kooxaha Yurub.