Prabhudheva Oo Director Ka Noqondoona  Filimka Salman khan Ee Dabangg 3 Kadib Markii Uu Diiday Filim Abishek Bachan Lahaa
wwwwwwwwwwwwwwwwwwwwww
July 26th, 2017
234 Views

Prabhudheva Oo Director Ka Noqondoona  Filimka Salman khan Ee Dabangg 3 Kadib Markii Uu Diiday Filim Abishek Bachan Lahaa

 

 

 

Nolosha waxwalbo kafilo, atoorahii qoob ka cayaarka looga haray ee Prabhudheva ayaa manta Filimsameye iskubedelay wuxuuna noqday Director caan ah oo aflaamtisa guulo lixaadleh gaaraan.

Prabhudheva ayaa la hadal hayey in uu Director ka noqon doono filimka Lefty ee Abhishek Bachchan hogaamiyaha ka yahay kaaso uu Kumatalaayo nin usoo jeedo siduu ku xalin lahaa dhibaatoyinka magaalada uu ku noolyahay heesata.

 

 

Hadaba arinkaas waa la isaga daba yimid kadib markii lashegay in Filimsameyahan uu doortay sheekada filimka taxanaha ah ee uu hogaamiyaha ka yahay Salman Khan ee Dabangg 3.

 

 

Inkastoo Si Rasmi ah loogu dhawaaqin arinkaan hadana Ilo kudhow Filimsameyaha ayaa waxay sheegayan sida tan,” Prabhu wuxuu Director ka noqonayaa Dabangg 3 wuxuna ku mashquulsanaan doonaa Salman Khan filimkiisa ilaa sanadka dambe kala barkiisa laga gaaro taasona usaamixi doonin inuu ka shaqeyo filimka Lefty ee Abhishek.”