QALLIN JABISEE AFAR QODOB IGA QAADO !!
wwwwwwwwwwwwwwwwwwwwww
September 30th, 2017
60 Views

QALLIN JABISEE AFAR QODOB IGA QAADO !!

 

 

 

 

 

 

Waano iyo dhiiri galin furan oo ku socota dhamaan ardeyda dhameesay Jaamacadaha.

 

 

 

Hayaanki iyo heerarkii kala gedisnaa eed soo martay tan iyo intii aad kusoo jirtey geeddiga helida tacliiin iyo barashada cilmi ku anfaca aakhiro iyo aduun waa mid maalinba heer so maraayay. Waxa uu lahaa goob aad kasoo qaaday talaabadii ugu horeysay eed usoo qaaday hayaanka iyo guuraha cilmi raadiska, waxa uu sidoo kale lahaa hadba meel kuu calaamadsanayd inta aad kusoo jirtey heerarkaas kala duwan. Waxa kamid tan maanta aad joogto oo ah goob kamid ah goobaha geeddigaas ku eeg yahay hase ahaatee deegaan iyo degsiimo dheer aan kuu noqonayn.

 

 

Walaalkayoow adne walaashayeey dib u xasuuso maalinti kuu bilaw ahayd buug iyo qalin ee inta aabe ama hooyo gacanta ku qabteen ku geeyeen goob waxbrasho hadba tii waqtigaas kugu habooneyd, dib u xasuuso quruxdii dhalaalki iyo farxadii kaa muuqatay marki lagu sii waday iyo dareenkii ka horeeyay markad maqashay dugisgaa lagu soo qorayaa, dib u xasuuso da’ yaraantii waqitigaas iyo carruuurnimadii, dib u xasuuso ardaydii kula faca ahayd eed maalintas fasal wada fadhiisateen, dib u xasuuso waqtigii iyo waayahii ku gaddaanaa maalmahaas. Dib u xasuuso dareenkagu maalintas,  dib u xasuuso so noqodkaagi maalintas markad soo qaadatay casharkii ama deriskii kuugu horeeyay, dib u xasuuso sida aad u fikireesay iyo halka fikirkaagu taagnaa, dib u xasuuso markaad aragtay arday kaa saraysa oo kaasoo hor gashay dugsiga, dib u xasuuso markad arki jirtey dhalin arday ah oo maalin walba so ag marta gurigiina, dib u xasuuso dhacdooyinkii kala duwanaa ee kusoo maray bilawgii buug qaadista iyo dugsiga.

 

 

Dib u xasuuso dugsigii hoose iyo facaagi iyo fikirkiinu halka uu taagna, dib u xasuuso dugsigii sare eed so dhameestay iyo facaagi kale eed la jaan qaaday, dib u xasuuso inta goor ee lagu wadyiidyay maxat rabtaa in mustaqbalka noqoto, dib u xasuuso jawaabahi ardeyda maalintaas, kuwo dhaheen iimaam, kuwo dhaheen mu’adin kuwo dhaheen diktoor, kuwo dhaheen engineer kuwa kale dhaheen madaxwayne, kuwo kale dhaheen macalim, kuwo riwaayadenayana odhan jireen biyoole, iyo jawaabahii kale ee badnaa, dib u xasuuso dugisyadii gaarka ahaa eed soo dhigatay adooo raba in aad xoojiso aqoontada, dib u xasusso intee lagu lahaa waxaa tahin madaxdii barri, mustaqbalkii bari, kuwii berri na badali lahaa iyo ereyadii kale ee dhiiri galinta lahaa ee macalimiinteeni dugisyada hoose iyo sare inagu odhan jireen. Ma ogid miyaa in beridii laguu sheegi jirey ay maanta tahay shalayna ay ahayd waqtigaasi, beridu waatan aad maanta jaranjarteedi ugu horeysay aad joogsaday.

 

 

 

Waqtigaas ma dheera mana sii foga haddii dib loosoo tiriyo waase dheeraan lahaa haddi uu ciyaar iyo camal xumi kugu soo dhaafay. Intee maanta aan helin halkaad joogto, intee maanta aan soo gaadhin halkaad joogto, intee maanta ad dariiqa isku dhaaftan arday ad wada bilawdeen geediga waxbrashada maantase aan kula mid ahayn, intee maanta aan nooleyn oo kaa hooseysa ( fadlan akhriska yara jooji oo u ducee haddii ay jiraan), intee maanta idinka hadhay od garanaysaa, intee maanta duruufo u saamixi waayeen od garanaysaa, intee maanta aad ka saraysaa.??!!!

 

 

 

Ma ogtahay in ay tahay arrin waajib kugu ah in aad eebe wayne swt xusto ood mahad celin iyo waynayntiisa badiso. U mahad celi, xus oo xasuusnow mar walba iyo meel walba Allaha swt illaa waqtigaas iyo waayahaas kala duwan kusoo hagaayay ee hadba heerka aad marayso kuso waafajiyay kuguna soo riday hilika toosan eed haatan joogto.

 

 

 

Waxaad heshay oo Alle Swt ku siiyay waalid kusoo ag joogay tan iyo maalintaas ad xasuusatay, waa waalidkii adoon garaneyn kuu gartay in aad wax barato ood cilmi iyo aqoon hesho, waa waalidkii adoon garaneyn kuu gartay in aad buug iyo qallin qaadato, waa walidkii adoon garaneyn kuu gartay goobta wax barasho, waa waalidki adoon garaneyn kuu gartay in aad magacaga qori karto, waa waalidkii adoon garaneyn kuu gartay in aad qof noqon karto is maamula is haga oo tubta toosan qaada, waa waalidkii adoon garaneyn kuu gartay in aaad hesho waxad u baahan tahay, waa waalidkii adoon garaneyn meesha ay ka keenen iyo sida ay ku keenen kula bar bar taagna in aad hesho waxkasta oo kaa caaawin kara helida aqoonta aad maanta joogto.

 

 

 

Waalidkeen tacabka, dedaalka, daalka, diifta, so jeedka, tiiiraanyada, fikirka iyo dhibta uu inala soo maray in aynu maanta halkan gaadhno od ku labisnaato dharkaa quruxda badan ee midabada kala duwan maaaha mid aan qiyaasi karno mana ah mid aan ogaan karno.

 

 

Waalidkeen waxa uu inaga sugayaa in aynu ugu horeyn nafteena anfacno waayo sababta ugu wayn waa in adiga aad horumar gaadho, waalidkeen waxaa uu inaga sugayaa in aynu anfacno, waalidkeen waxa uu joogaa maalintii uu dhidika dhafoorada ka masixi lahaa madama uu dhameestay hawshii iyo qaabayntaadi qofka aad noqoneysid soona saaray quruxdas iyo xoogaas kaa muuqda. Waxa uu sabab kuugu noqdey in ad noqoto qof muslim oo Alle swt garanaya aqoon iyo cilmina leh.

 

 

 

Haddaba maanta oo aad joogto gunaanadka dhawr iyo toban sanno oo waxbarasho ah waxa aad joogtaa talaaabadi koowaad eed u qaadaysay anfaacsigaaga iyo in la helo waxtarkaaga.

 

 

Su’aasha ugu horeysa eed is weydiisay markaad dhameesay jaamicadii waa hellida shaqo iyo halka shaqo kuugu dhaw sidoo kale kaama maqna is weydiinta sida shaqo aad ku heli karto ee kuugu dhaw.

 

 

Halkan waxaan jecleystay in aan idinkula wadaago dhawr qodob oon rajaynaayo in aad haba yaraatee wax uun ka qaadan doonto.

 

 

Walaalkayoow adne walaashayeey ani idinkama aqoon badni idinma khibrad dhaamo idinkama dedaal iyo tacab badni waxaanse kuula imid in an kula wadaago intaan ka arkay maadama aan suuqa iyo magaalka shaqada iyo shaqo raadiska ku jirey muddo sannado ah.

 

 

waxaan haddaba jecleeystay in aan isugu keen darro intii aad taqaanay aqoon iyo khibrad iyo intii aan bartay aqoon iyo khibrad.

 

 

Waxaan halkan jecelahay in aan kugula wadaago afar qodob oo aan is leeyahay wa kuwii aan ka bartay nolosha shaqeestaha, loo shaqeeyaha iyo shaqa doonkaba. Afarta qodob waxa ay kala yihiin:-

 

 

 

 

  1. BARASHADA, KU DHAQANKA IYO KU DHAGIDA DIINTA

 

Akhristow heerka aad maanta joogtaa waa in uu ku dareensiiyaa masuuliyaadka iyo awaamirta lagaa rabo maadaama aad tahay qof muslim ah hamigiisa iyo hiigsigiisuna yahay janno arroorkeed.

 

 

Ogow inta aad kuso jirtey hayaankii dheeraa ee heerarka iyo hawlaha kala duwan lahaa waxa iyana jirey kuwo intaas in lamida amase ka badan ugu soo jirey dhibaataynta iyo tashuushinta caqiiadada wanaagsan ee waalidkeen inagu barbaariyay.

 

 

 

Waxa jira maanta oo aynu og nahay adne aad la socotaa lagana yaabo in aad aragtay ama maqal kugu soo gaadhay in cidkale ha ino joogtee dad inala mid ah soomaali ah oo dhaqan iyo deegaanba inala wadaaga maanta jiraan oo had iyo joor u taagan in shaki iyo mushaakilaad ka dhex unkamaan adi iyo caqiiidadaada.

 

 

Sidaa darteed aqoontaada iyo cilmigaad baratay waa in uu kuu noqdaa hub aad isaga dhicin karto shaydaan iyo wuxu cago ku wato oo jahanama aroorkeedu yahay.

 

 

Aduunka maanta ma aha mid bad qaba oo u bad qaba diintaada, fikirkaaga iyo caqiidada waase gabo gabo’e adi ku dhaganoow oo ku dedaal in aad cagta la hesho tubta toosan iyo dariiqa toosan.

 

 

Aduunka maanta inagama qarsoona dhibka iyo mushaakilaadka ka taagan ha ugu bateen kuwa xaga caqiiidada iyo diinteena lagu hayo. Waa ogtahay sida ummadi muslimka u kala qaybsan tahay, sida loo kala fog yahay sida loo kala dhiban yahay, sida loo kala fikir iyo aragti duwan yahay, sida loo kala fog yahay iyo sida loo kala dhaw yahay.

 

 

 

Wa u jeedna inta firqo inta koox iyo inta gaashaan buureysi diimeed jira, waa u jeeddaa inta maalin walba ad ma maqlayso goobaha waraysiga iyo sheekada loo tago, waa u jeedaa sida warbaahinta bulshadu ku wada xidhiidho ugu badan yahiin fikirada la faafiyo iyo tashuushaadka lagu hayo diinteena.

 

 

Walaalkayoow adne walashayeey dadkeena ab iyo isir waa muslim waalidken iyo waalidkod waxay kuso barbaareen muslinimo iyo caqiido toosan inta hadba aqoontoodu ahayd maantase meesha la marayo makala saxi kartid saxda iyo khaladka, runta iyo beenta, dariqa toosan iyo midka leexsan.

 

 

Foojigaanta iyo ka hor tagga dhibaatooyikas aynu sheegeyno waxa aad kaga badbaadi kartaa:-

 

 

  1. In aad garato horta dhibta jirta waxa ay tahay?
  2. In aad hesho ood heegan ugu jirto meesha ay kusoo marayso ama side kugu soo gaadhi kartaa?
  3. In aad taqaan sida ad uga hor tagi karto ugana badbaadi karto

 

 

Saddexdaas arrimood haddi maskaxdaada ku jiraan sida kaliya eed kaga badbaadi kartaa waa in aad hesho aqoon diimeed oo kugu filan oo kuu kala saarta runta iyo beenta, xaqa iyo xaq darada, nuurka iyo mugdiga, tubta toosan iyo tubta leexsan intaba.

 

 

Waxaan kugu dhiiri galinayaa in aad ku dedaasho barashada diinta iyo ku dhaqankeeda. Haddii aad ku guuleysato in aad barato aqoon iyo cilmi diimeed oo kaa badbaadiya mushaakilaadka iyo tushuushaadka maanta aduunka ka jira, ogow in aad gaadhay guul aduun iyo mid aakhiro.

 

 

 

 

  1. KUSOO DHAWAW SOONE TARTAN, LAGDAN IYO CAQABADO BADAN (FAGAARAHA SHAQA DOONKA)

 

 

Helida shaqo waa muhiimada kuugu horeysa eed kusoo waday dhamaynta heer kamid ah heerarki hayaankaga tacliinta.

 

 

 

Akhristoow wadankeena wala wada soconaa shaqo iyo helideed way yar tahay mase odhanayno wax shaqo ah maleh.

 

 

 

Ha aaminin hana qaadan fikirka dadka guul daresta ku doodaan ee ah wadanka wax shaqo ah maleh oo wan ka baxayaa. Ha aaminin hana rumeesan in aanad helayn shaqo. Ha aaminin hana rumeesan dadka hortaa jabay ee guul dareestay kuwa ka dhacay nolosha ee maqaaxi iyo marqaan ku dambeeyay. Hala saaxiibin saxiib hurda, aan fikirin soona jeedin oon u diyaar ahayn in uu iska dhiciyo iskana baaciyo waayaha iyo durruuufaha ku xeeraan nolosha shaqo raadiska. La saaxiib oo la soco had iyo goor qof kula fahamsan kula og kula dareensan kulana danaynaya in aad ka midho dhalisaan halganka iyo hayaanka shaqo raadinta.

 

 

 

Ka dheeroow oo ka feejignoow in ay maskaxdaada mashquuliyaan shaqo heli maysid oo hebel iyo heblaayoba waa kuwa wali jooga. Ogow hebel iyo heblaayo risiq iyo quud loo qoray bey leeyihiin kuwo risiqoogi sugaaya haku habsaamin ogow adne risiq iyo quud laguu qoray bad leedahay. Xasuusnow oo maanka ku heyso in laga yaabo in raadiska iyo qaadista dariiqa shaqo helidu kuu yahay imtixaan la rabo in aad dhaafto iyagana ay imtixaankaas ka rajo dhigeen in ay dhameeystaan.

 

 

 

Waligaa ha hiigsan hana eegan qof tacab yar, qof fikir yar, qof aan isku day iyo ku dhac lahayn. Ha eegan kuwa aan shaqo helin ee ka badan kuwa shaqo helay kuwaas oo ku badan suuqyada iyo goobaha dhalinta isugu timaaad, eego kuwa shaqo haya ee ku hawlan mustaqbal dhisida, ku hawlan hir galinta iyo hadafka nolosha, eego oo  ku dayo kuwa shaqa raadiska jecel een rajo dhigin had iyo jeerna heegan ugu jira helida shaqo wanaagsan. Ogow kuwaan dambe waa kuwo yar mana badna sidaa darteed intaa badan waxa kaga roon in aad intaas yar ka eegato ood ku dayato lana socoto.

 

 

 

Jaamicadda makay kuu dhamaato eed shaqo usoo diyaar garawdo, ogsoonow maankana ku heyso in aad kusoo biirtey fagaaare iyo goob tartan, fagaare legdan leh oo la isku baxo oo siigo, boodh iyo qaylo ka dhacayso oo la idiin golleeyay cidna aanay idin kala qabanahayn adi iyo waqtiga, adi iyo duruufaha iyo dal-daloolada nolosha, waa goob aanay kuu oolin in aad faraha laabato waayo waa goob rag iyo dumar la isku hayo sidoo kale dhalin yar iyo waayeel is hayo. Waxaad kusoo biirtey ugaadhsato kala hub iyo sahay wanaagsan kala ujeed iyo fikir duwan, kala dabeecad iyo dhaqan duwan. Waxaat kusoo biirtey fagaare aanay ka maqnayn xiqdi iyo xaasidnimo. Waxaat kuso biirtey fagaare la is hayo la kala qarsado lakala shakiyo oo la isku diido waxne la isa siin. Waxat kusoo biirtey fagaare wehelkad heshaa mid kuusoo dhawaynaayo midna kusii fogeynaayo. Waxaat kuso biirtey soone aan degenayn oo dhibteeda leh kaana rabta tacabkeeda iyo fikirkeeda. Ogow oo aaminsanoow in ay tahay imtixaanka lagaa rabo in aad ka gudubto waayo waad ogtahay aadmiga halka uu ka yimi iyo halka Alle swt uu ku gabogabaynaayo. Waad ogtahay oo janaa u macaan wax lahelo taasne sida lo helo ma yara mana sahlana oo waxay kaa rabtaa shaqo iyo dedaal adag in aad u hesho oo Alle kugu abaaliyo.

 

 

 

Goobta caynkaas waa in aad garataa waxat la imaanayso iyo sida aad usoo waaajahayso. Ha iska imaan oo ha iska soo qoslin adi oo leh waa ‘iska caadi’, maba jiraan wax iska caadi ah. Waa run wixii Alle uu qoray waa heleysaa hase yeeshee u shaqayso oo u orod. Ogow waa tii soomaali hore kuugu maahmaahday intaad fogtahaa la faytaa sidaa darteed soo faydo soo tolo soo adkayso oo soo afayso hubkaga. Iskeen fagaaraha iyo goobta la isku hayo adoo rumeysan oo  ku hanwayn in aad badin doonto in aad guuleysan doonto in aad adi guusha gaadhi doonto waana sida lagula jecelyahay waalidaa, qaraabada, ehelkaaga iyo asxaabtaduba kula rabaan. Waxay jecel yihiin marwalba in aad guul gaadho ood anfacdo dadkaaga iyo dalkaaga.

 

 

 

Waxa lagaa rabaa oo kugu waajib ah in aad og tahay meesha ad kaso galayso fagaarahaas, sidoo kale waa in aad aqoon u yeelato hubka aad lasoo galayso iyo sahayda aad u baahan tahay in aad sidato is weydiisana ma yahay mid kula tartansiin karo dadkan. Hubkaaga iyo sahaydaadu waa aqoontada, xirfadaahaga, kuwa kuu dheeriga ah iyo samirkaaga.

 

 

 

Tusaale jira haddaan ku tuso; haddi maanta lasoo baahiyo hal shaqo ama hal boos, ogow waxa ugu horeeya ee dadka kala saaraya waa shaqadaasi nooca ay tahay. Tusaale ahaan haddii xisaaabiye la rabo, waxa halkaas ku kala hadhay aqoon iyo khibraddo badan oo fagaaaraha kula joogey.

 

 

 

Masoo codsan karo shaqadan qof aqoon caafimaad bartay ama aqoon kale oon ahayn xisaabiye. Waxa haddaba isu soo hadhay dhamaan wxi aqoontas jagadaas ama shaqadaas ku haboonaa leh. Iyana waxa si kala saaraya wa shuruudaha iyo nooca ama heerka aqooned ee laga rabo. Inta soo baxda waxa iyana sii kala saaraya hubka ay sitaan (aqoon iyo khibrad).

 

 

 

Ogow hadaba halka ama shaqoda lasoo baahiyo in ay kula tartamayaan kuwo da’ ahan kaa wayn kuwo kaa aqoon badan, kaa waxbarasho sareeya, kaa khibrad badan, kaa shahaado iyo tayo fiican. Waxay isugu jiraan ajaanib iyo kuwo aan ajaabin ahayn. Tusaale ahaan ani waqtiyadii shaqa doonka aan ahaa waxan imtixaan la galay mid kamid hawl wadeenada ugu waawayn uguna caansan wasaarad kamid ah wasaaradaha wadankeena. Ninkaas da’ ahaan iima dhawayn waxa uu shaqaale soo ahaa tan iyo inti wadanku soo jirey, waxa uu ahaa nin la yaqaan oo ku caan nooca shaqada aanu wada codsanay. Kama niyo jabin kumana guuleysan shaqadii waase maalintii aan ogaaday in aan tartan iyo legdan ku jiro, wa maalintad ogaaday in aan rag is hayno kala duwan. Waxa sidoo kale imtixaanka u wada fadhiisanay kuwo iga aqoon sareeya iga aqoon badan, kuwo sitey shahaadada heerka labaad oonan u dhawayn heerka ay marayaan, waayo ani markan imtixankaas galaayay wali xafladii qalin jabinta jaamicada waa sii muuqata oo raadkeedii ba baabi’in. Sidaa darteed ogow in fagaaraha lagu badan yahay cidwalbana joogto.

 

 

 

Ogow soomaali su’aashed ma dhamaato oo waxa maalin walba taagan hebel jaamacadii ma dhameeyay ama heblaayo jaaamacadii ma dhamesay, hadaad dhameysana waxa daba taal shaqo ma helay ama ma heshay, haddaad heshana waxa daba taal ma guursaday ama guursatay,  haddaad guursatana qolomuu guursaday ama qolomaa guursatay, haddaad guursatana waxa daba taal caruur ma dhalay ama yeelatay, hadddaad dhasahana waxa daba taal imisaa hablo ah ama imisa inamo…. Ma dhamaneyso ila waligeed waa suaal daba furan oo ku heysata.

 

 

 

Suaasha kugu badan doontaa yaanay ahaan mid saaamayn kugu yeelata ood dhibsato ha noqoto mid aad ku joogto, waayo imikaba suaalbad albaabkeedi iska xidhey ahayd hebel ama heblaayo jaamacadii ma dhameesay. Maata si weyn oo kalsooni leh baad uga jawaabaysa adi oo cod dheer ku leh haaa waan dhameeyay. Masha allah waa alle mahadii markaad albaabkaas soo xidhey. Hambalyo!

 

 

 

Su’aasha kuugu soo xigtaa waa shaqo ma helay ama ma heshay ??? ogowna keligaa maaha qofka lawaydiinaya; waaalidkaa wala waydiinaya walaalahaa iyo asxaabtaada. Su’aashan jawaabteedana meesha aad ka dooneysaa waa fagaaraha noociisa aan kaaga soo waramay, waa adi iyo halka aad kasoo qabato.

 

 

 

Ogow shaqo waa la helaa oo waa risiq kuu qoran ha dhawaato ama ha dheeraato waxaase adag sida loo heysto. Heysashadeeda waa ta lagaa rabo in aad taqaan ood yeelato.

 

 

 

Haddi aad shaqo hesho; shaqada aad hesho ka filo waxwalba  waxay noqon kartaa mid dhib badan, mid hawl badan, mid canaan iyo cay badan, mid nacayb leh, mid xaasidnimo iyo waxa maanta loogu yeedho ’’faji’’ leh, mid mushahar yar, mid mushaharkedu dhib leeyahay, mid ad ku degi waydo ama kaa yeedhsiisa ka baxay. Dhanka kale waxay noqon kartaa mid aad ku faraxdo, mid aad ku nasato, ku badhaadho oo muxubo iyo kalkacal lagugu soo dhaweeyo, mid ku anfacda adi iyo ehelkaa, mid dadka kaa dhex muujisa, kaa dhex tilmaanta, lagugu sheekeysto maanta hebel ama heblaayo waata anfaca iyo waxtarke leh, mid aad macaansato hawsheeda ood niyad fiican ku joogto. Ogow hadaba labadaba waa imtixaan iyo eegid kugu socota, waxa lagaa rabaa in aad haysato in aad aqbasho nooc kasta oo ay tahay.

 

 

Waxaan kugu dhiiri galinaya in aad noqoto ugaadhsade aan ka iman sahay iyo quud toona oo ugaadhsigiisu yahay nolol maalmeedkiisa, waxat ugaadhsaneysaa waa shaqo. Waxaan ka dhiiri galinaya in aad noqoto ugaadh raadiye, waayo qofka wax raadiyaa in u helo wuu doonaya haseyeeshe haddu waayo masii daba galo kumana soo daalo. Waa faraqa u dhaxeeya shaqo doon iyo shaq raadsade. In ahaato ugaadhsade aanay u laabnayn waa ta ku aqbalsiineysa qodobkan saddexaad.

 

 

 

 

  1. AQBALIDA NOOC KASTA OO SHAQO AH OOD HESHO

 

 

Shaqada ugu horeysa eed hesho intaad cusub tahay eed ku cusub tahay saaxada shaqaalanimada waa ta kuugu muhiimsan uguna farxada iyo niyada wanaagsan.

 

 

Waa albaabkii dibada ee laga soo baxaayay eed kaga soo baxdey kana soo guuleysatay fagaarahi aynu soo xusney, waana furaha aad ku galayso albaabka nolosha shaqada iyo shaqa taga.

 

 

Shaqada kuugu horeysa noocey doonto ha ahaato, ogowse waxad imika xidhey, suaashii labaaad ee ahayd shaqo ma heshey. Jawaabta noocey doonto hakaaga soo baxdo sida; meelban madaxa layara galay, meelban tababar ku jooga, meel ban yara wadwadaa. Jawaabahan isu wada duuboo waxa sal u ah in aad shaqayso.

 

 

 

Ogow walaalkayoow adne walaashayeey kaama maqna oo way kugu ladhan dabeecadaadi iyo sida aad dadka ula dhaqmi jirtey, kaama maqna heerkaagi aqoonta uu ahaa kaama maqna qofkad ahayd shaqsiyan.

 

 

Waxa shaqada lagu qabtaa waa koox qofba meel kaga soo hagaago sidaa darteed noocada ay shaqsiyadaadu tahay dabiiciyan iyo heerka xirfada iyo aqoonta ad u leedahay waxat qabaneso waa kuwo ku caawineya kaana caawinaya in dadku kuso dhaweeyo kuna jeclaado.

 

 

Shaqo in la qabtaa waxay kaaaga baaahan tahay dedaal, karti iyo aqoon. Waxay kaaga baaahan sidoo kale samir iyo adkeysi aad u yeelato duruuf iyo dhibkasta oo kaasoo waaajaha dhinaca shaqada. Ogowna shaqada imtixaankii iyo daldalooladi noloshuna way la kordhaan.

 

 

Shaqada ugu horeysa eed hesho ha diidin hana hifin, ha dhibsan hana dhealeecayn, ha ka gaabin hana garan waayin, ha quudhsan hana ka qabi jabin.

 

 

Waxaad ahayd qof degaal ku jira degaal u cadawgaagu yahay waqti, naftaada iyo shaydaan, waqtiga wuu kugu ordayaa, naftaadana ma jecla wixi dhib leh ee dedaal raba, shaydaana waaba ka koowaad een kula rabin in aad guuleysato akhiro iyo aduunba. Sidaa darteed waxad u baahan in aad yeelayo xeeladaha degaalka waxaana ugu horeysa in aad hesho dhufeys aad kaga gabato xabadaha iyo hubka culus eed is weydaarsanaysaan cadawgaaga. Dhufeyska wuxuu kuu faa’ideynayaa in aad ogaato meesha ay wax ka socdaan iyo sida ay u socdaan.

 

 

Intaan goobta degaalka lagugu dhaawcin ama lagagu dilin waa in aad heshaa dhufeys fican oo gabood kuu noqda cadawguna aanu kaaso helin. Dhufeyskaa aad raadineyso waqiga dagaalku socdo uma kala eegeysid qurux, folxumo iyo wixi la halmaala waxa ugu muhimsan eed u eegeysa waa maka qarinaya cadawga mana celinaya hubka la is  weeydaarsanaayo.

 

 

Dhufeeyskaas aad heshaa wuxuu kaaga dhigan yahay shaqadaada koowaad eed hesho waa in aad u aqbashaa sida dhufeeyska ad u aqbashay in aad ku gabato.

 

 

Ka bixida dhufeeskaas waxay kaaga baahan tahay aragti iyo fikir wanaagsan. Waa in aad uga baxdaa sida bakaylaha uu uga baxo goobta uu ku jiro ee uu ku gabado. Xayawaankaan yar marka uu godkiisa am ageedka uu ku hoos jiro ka baxaayo, kama baxo ilaa ay u muuqato meesha kale ee uu galaayo, marka uu arko dariiqa u marayo iyo meesha u galaayo markas ayuu soo baxa isago waliba ordaya.

 

 

 

Shaqadaaada koowaad ilaasho kuna dhaganoow ilaa aad heleyso shaqada adi aad dooneysyay nooca ay ahayd haddiiba aanay kuu ahayn nooci adi aad dooneysay haddi ay kuu tahayne waa kheyr iyo nimco ad dad badan dheer tahay.

 

 

 

Waxaan kugula dardarmayaa waad heleysaa shaqo insha allah laakiin waa in aad yeelataa karti iyo awood aad ku heysato.

 

 

 

Haku dhibin waalidkaa iyo ehelkaaga in ay shaqo kula raadiyaan waayo dhib iyo orod intii hayaankaaga waxbarasho socdey baa ugu filan. Isku day in aad adi isa soo saarto, in aad adi meel ka hilaacdo oo lagu war helo hebel ama heblaayo wata meel heblaayo shaqo ka heshay. Xooji oo ku dedaal kartidaada, fikirkaaga iyo aqoontada. Intaasood xoojisa waa ta dadka kale kuu direysa adoon diran, adoon cid shaqo ii doona odhan baa haddi intas laga helo adoon ogayn lagu maqan yahay, laguu duceynayaa oo lagugu niyad san yahay.

 

 

 

 

  1. CUSBOONEYSII OO KORDHI AQOONTADA

 

 

 

Waqtiga lagu jiro waxbarashada iyo shaqo raadintaba qofba inta hankiisa iyo himaladiisu tahay buu ordaa, fikiraa oo aqoontiisu tahay.

 

 

Dadka qaar hamigoogu wa shaqo kali ah mar hadday shaqo helaan wax kale oo dhan faraha ayay ka qaadan, qaarne hamigoodu wa cilmi wadid iyo dhisid mustaqbal.

 

 

 

Noqo kuwa ku fikira in ay aqoontooda dhisaan oo hadba xoojiyaan inta ay shaqada wadaan dhinaca kalena mustaqbalkooga iyo aayahooda ku fikiraan.

 

 

 

La soco aqoonta iyo umuuraha kaa dambeeyay waqtigii ad kasoo maqneed waxbrashada iyo aqoonta. Noqo mid la socda hadba aqoonta cusub ee kusoo koroodha aagi ama aqoontii aad baratay. Kordhi aqoontaada sii wad ilaa inta ad ka gaadhayso meel fiican.

 

 

 

In aad ahaato mid heegan ugu jira wixii kusoo kordha aqoontii ad baratay iyo kordhinta ama cusbooneysiinta aqoontada waxay faaido leedahay in aad noqoto jiil walba la kore. Waxay kaa dhigeysaa qof ka dhex muuqda facii ay wada baxeen sidoo kale waxay kaa dhigeysaa mid la socda jiil kasta oo  ka dambeeya.

 

 

 

Ogow sidaad wax uso dhigatay kuwa kaa dambeeya uma soo dhigan, laga yaabe in ay kaa aqoon iyo fursad fiican yahiin sida inaguba imika aynu uga fursad fiicanahay marki ay waalidkeen wax so brayanen. Haddi hadaba  aaanad la socon wixii aqoon iyo cilmi kaa daba yimi waxay kaa dhigeysaa mid jiilka ka dambeeya ka aqoon bataan kana xirfad iyo firircooni bataan. Haddise aad la socoto hadba aqoonta soo korodha ama kaa daba timi waxaat noqoneysa mid faciisina meel isaga xidhey kuwa ka dambeeyana la talaabsanaya.

 

 

 

Faraha ha iska qaadin oo adi ha is ilaawin, hamigaaguna yaanu noqon uun shaqaan helay ee kordhi aqoontaada, xooji aqoontada kuna dedaal inaad hore u socoto.

 

 

 

Aduunka maanta saacad walba wax cusub baa kusoo biira, waxa qadiim noqdey wax sanadkii hore socdey oo cusbaa. Tusaale ahaan magaaladeena haddi maanta gaadhi cusub yimaad waxa uu noqonayaa qaali waayo hadba numberka uu wato iyo model kiisa, makula tahay in maanta iyo berri, bil kadib ama sanad kadib uu qiimahi yeelanaayo uu ahaa markuu yimi walow siduu doono ha u cusbnoonado macrad xataa haddii uu yaal. Waa may !!! waxa marwalba ka qaalisan kii kadaba yimi.

 

 

 

 

Aqoontana waa sidaan oo kale, hadba aqoon cusub baa timaad oo tii hore meesha ka saarta ama nasakhda oo tan dambe looga baahdaa kana fududaataa.

 

 

Sidaa darteed hasii dayn aqoonta hana ka dhex baxin intad shaqayneyso oo ku dedaal faro ku haynteeda iyo sii wadideeda.

 

 

 

 

GABO GABO

 

 

Waxaan kugu dhiiri galinayaa in aad ahaato qof aqoon u leh diinta alle swt, aqoon u leh looguna so hagaagao cilmigi aad baratay eed dhameesatay ahaatana qof mufakir ah oo firfircoon kana daalin kana hadhin wixi dantiisa ugu jirto.

 

 

 

Nqo qof shaqaysta hadaanu shaqo hayna raadiya oon ka hadhin. Noqo qof la socda hadba aqoonta ka dambeesay intiii uu kaso maqnaa ardaynmadii iyo hilinki waxbrashada.

 

 

 

Alle SWT hakugu anfaco cilmigii iyo aqoontii aad baratay hana ka abaaliyo waalidkii kugu soo tabcey ee kusoo garab taagnaa iyo macalimiinti wax kuso baray bilaw ilaa dhamaad.

 

 

Alle swt aqoontada hakuu barakeeyo hana kugu arsaaqo shaqo wanaagsan oo xalaal ah meel xalaal ahna kasoo baxda ood ku anfacdo waalidkaaga, ehelkaaga iyo dalkaagaba.

 

 

Alle SWT ha inoo barakeeyo wadankeena hana garansiiyo in shaqo walba qofkeeda loo raadiyo oo ay meesha ka baxdo qabyaalad ku raadis iyo qabyaaalad ku keen.

 

 

 

 

 

AAMIIN***AMIIIN

DIYAARINTII:

Cabdisalaam Saciid Xasan

Hargeysa, Soomaaliland, 2017

Wixii talo, tusale iyo tooosin ahba:

Abuabdirahman13@gmail.com

http://www.facebook.com/Abdesalam.Said