RASMI : Qarammada Midboobay Oo Dakadaha Caalamka Ka Mamnuucday Afar Markab
wwwwwwwwwwwwwwwwwwwwww
October 10th, 2017
25 Views

RASMI : Qarammada Midboobay Oo Dakadaha Caalamka Ka Mamnuucday Afar Markab

 

 

 

 

 

 

(DLN-Washington)-Qarammada Midoobay ayaa afar markab ka mamnuucday in ay ku xirtaan dekedaha caalamka, ka dib markii lagu helay in ay jabiyeen cunaqabatayntii caalamiga ahayd ee la saaray Kuuriyada Waqooyi.

 

 

 

Hugh Griffiths oo ah isku dubaridaha guddiga ay Qaramada Midoobay u saartay cunaqabataynta Kuuriyada Waqooyi ayaa tallaabadaas ku tilmaaamay mid aan caadi ahayn.

 

 

Maraakiibtan ayaa la sheegay in ay kala yihiin Petrel 8, Hao Fan 6, Tong San 2 iyo Jie Shun.

 

 

Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay ayaa bishii hore sare u sii qaaday cunaqabataynta Kuuriyada Waqooyi, iyaga oo ka jawaabaya tijabadii lixaad ee uguna xoog badnayd ee nukliyeer ah ee Kuuriyada Waqooyi samayso.

 

 

Mamnuucitaanka ayaa lagaga dhawaaqay kulan ay Qarammada Midoobay qabatay oo Isniintii dhacay.

 

 

Griffiths oo ka hadlaya kulankaas looga hadlayay dhaqangalinta xayiraadaha Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegay in maraakiibtani lagu helay “in ay qaadeen alaabo la mamnuucay”.