RASMI : Singam 3  Oo La Sheegay In Aanu Ajay Devgn Hogaamiye Ka ahayn Balse Sunny Deol Jilicdoono
wwwwwwwwwwwwwwwwwwwwww
August 8th, 2017
255 Views

RASMI : Singam 3  Oo La Sheegay In Aanu Ajay Devgn Hogaamiye Ka ahayn Balse Sunny Deol Jilicdoono

 

 

 

 

Super Star Sunny Deol ayaa si rasmi ah loo xaqiijiyay filimka Tamil-ka ah Singam 3 inuu sameyn doono asigoo Hindi ah.

 

 

Sunny Deol ayaa ka helay sheekada filimka Singam 3 marka lala wadaagay wuxuuna diyaar u yahay inuu gashto kabihii uu Suriya iska siibay.

 

 

Inkastoo Singam 3 mashruuc ahaan guul dareestay hadana Sunny Deol wuxuu diyaar u yahay inuu filimkaan mid caalami ah oo Hindiya dhan laga daawan karo ka dhigo kuna matalo askari xarago badan sidoo kalena mayal adag.

 

 

Ajay Devgn ayaa lagu yaqiinay inuu marwalbo taxanaha Singam asigoo Hindi ah sameeyo waayo labada Singam ee Tamil-ka ah sidoo kalena horey Suriya u sameeyay Ajay ayaa sameeyay ayagoo Hindi ah oo xoogaa wax laga badalay.

 

 

Ravi K Chandran oo horey u diyaariyay sawirada iyo muuqaalada filimada  Ghajini, My Name Is Khan iyo OK Jaanu ayaa Singam 3 ka noqon doono Director waana markii ugu horeesay ee uu filim Director ka noqdo.

Filimka S3 oo Hindi ah waxaa maal galin doono Jayantilal Gada sidoo kalena dhamaadka sanadkaan ayaa duubis lagu bilaabi doonaa waana mashruuc weyn oo hab casri ah loo sameyn doono.

 

 

Thakur Anoop Singh oo laadar ka ahaa S3 qaybtiisa Tamil-ka ah ayaa sidoo kalena laadar ka noqon doono S3 oo Hindi ah waxayna is fara saari doonaan Sunny Deol.

 

 

Director Ravi K Chandran haatan Mareekanka ayuu ku sugan yahay asigoo diyaarinayo sheekada Singam 3 oo xoogaa wax laga badali doono si looga dhigo mashruuc Hindiya oo dhan laga daawan karo.

 

 

Sunny Deol wuxuu hada ku mashquulsan yahay soo gaba gabeynta filimka Pal Pal Dil Ke Paas ee uu Director ka yahay laguna soo caan bixinaayo wiilkiisa Karan Deol, kadib wuxuu duubis ku bilaabi doonaa filimka Yamla Pagla Deewana 3 oo ay la jilayaan aabihiis iyo walaalkiis Dharmendra iyo Bobby Deol sido kalena Kajal Aggarwal ayaa lagu soo daray.

 

 

Sunny Deol wuu soo laabtay waxaa u diyaarsan filimka shactirada badan Poster Boys oo la daawan doono 1 September, waxaan dhihi karnaa soo laabashada Super Sunny waa soo celinta mada daalada Bollywood-ka sii lumeyso………….

 

 

 

 

 

 

Filimside