RASMI : Super Star Dharmendra Oo Kusoo Biiray Twitter-ka Waxaana Ka Dambeeyeen Labadiisa Wiil
wwwwwwwwwwwwwwwwwwwwww
August 19th, 2017
283 Views

RASMI : Super Star Dharmendra Oo Kusoo Biiray Twitter-ka Waxaana Ka Dambeeyeen Labadiisa Wiil

 

 

 

 

 

Super Star Dharmendra ayaa ugu dmabeyntii barta Twitter-ka kusoo biiray diyaarna u ah inuu taageerayaashiisa baraha bulshada kula fal galo.

 

 

Dharamji ayaa sheegay in labadiisa wiil Sunny Deol iyo Bobby Deol ka dambeeyeen inuu Twitter-ka kusoo biiro wuxuuna aad ugu faraxsan yahay in baraha bulshada lagu soo dhaweeyo.

 

 

Dharmendra sawirka kowaad uu Twiter-ka soo dhigay waa asigoo mooto saaran kuna guda jiro duubista filimkiisa Yamla Pagla Deewana 3.

 

 

Dharam sawirka wuxuu soo raacsiiyay qoraalkaan “Jaceylkiina ayaa igu dhiiri galiyay inaan aad idin kugu soo dhawaado, waa aniga oo ku guda jiro duubista YPD Phir Se… Bilaaw cusub, duubis cusub oo ka socoto Hyderabad”

 

 

 

Sunny Deol, wiilkiisa Karan Deol iyo Bobby Deol ayaa noqdeen sedexda qof ee ugu horeesay Dharmendra Follow ka dhigtaan ama la socdaan sawirada iyo qoraalada uu soo dhigaayo Twitter-ka.

 

 

Sunny Deol wuxuu yiri “Aniga iyo Bobby ayaa ugu dambeyntii ku guuleesanay inaan aabo halkaan keeno, aabo kusoo dhawaaw barta Twitter-ka”.

 

Bobby Deol isagana wuxuu yiri “Ugu dambeyntii geesiga aan ku daydo halkaan wuu yimid… Soo Dhawaad Aabo!!”

 

 

 

Dharmendra mudo 15-saac ah oo uu Twitter-ka qayb ka yahay waxaa kusoo darsadeen 4,469-qof si ay ula socdaan dhaq dhaqaaqiisa!

 

 

 

Sunny Deol iyo Bobby Deol waxaa u diyaarsan filimka Poster Boys oo la daawan doono 8 bihs September nagu soo fool leh sidoo kalena Dharam iyo labadiisa wiil waxay haatan duubis ku wadaan YPD3 oo la daawan doono sanadka dambe qaybihiisa hore.