Saif Ali Khan Oo Booska U Baneeyey Sunny Deol Iyo Arjun Rampal In Uu La Tartamo+SABABTA!
wwwwwwwwwwwwwwwwwwwwww
August 7th, 2017
366 Views

Saif Ali Khan Oo Booska U Baneeyey Sunny Deol Iyo Arjun Rampal In Uu La Tartamo+SABABTA!

 

 

 

 

 

 

 

Aqristayaasheena qiimaha badan waxaan horey idin kula wadaagnay in Saif Ali Khan, Sunny Deol iyo Arjun Rampal Boxoffice-ka ku dagaalami doonaan 8-da bisha September ee nagu soo fool leh.

 

 

Balse haatan waxaa isi soo taraayo warbixino ku aadan in Saif Ali Khan filimkiisa Kaalakaandi dib u dhigan doono madaama laga saameyn batay.

 

 

Saif filimkiisa Kaalakaandi waxaa laga soo bandhigay goos goos kooban (Teaser) mana la imaanin saameyn weyn madaama 37-ilbiriqsi ee laga soo bandhigay 13-kii July ilaa haatan barta Youtube-ka ka daawatay 4-milyan oo qof.

Sunny Deol filimkiisa Poster Boys ee shactirada badan kuna wehliyaan Bobby Deol iyo Shreyas Talpade wuxuu la imaaday saameyn xoogan.

 

 

Filimka Poster Boys goos gooska dhameestiran ee laga soo bandhigay (Trailer) waxaa daawadaan 10-milyan dad sare u dhaafayaan barta Youtube-ka waxaana lasoo galiyay 24-kii bisha July.

 

 

 

Arjun Rampal filimkiisa Dady ee ka hadlaayo nolosha Gangester-kii Arun Gawli goos gooskiisa waxaa lasoo bandhigay 13-kii June 2017 waxaana ila haatan daawatay 8-milyan dad sare u dhaafayaan barta Youtube-ka.

 

 

Sidaa darteed dadka arimaha Boxoffice-ka ka faaloodaan waxay hadal hayaan in Saif Ali Khan filimkiisa Kaalakaandi dib u dhigan doono madaama ay ka saameyn badan yihiin filimada Poster Boys iyo Daddy.