Sooraj Pancholi Oo Sinta Ka Dhaawacmay Xili Tababar Kaarateega Uu Ku Guda Jiray
wwwwwwwwwwwwwwwwwwwwww
August 19th, 2017
177 Views

Actor ka Da’da Yar Sooraj Pancholi Oo Dhaawac Soo Gaaray+Halka Uu Ka Dhaawacmay

 

 

 

 

Jilaaga dhalinta yar Sooraj Pancholi ee uu aabo u yahay ruug cadaa Aditya Pancholi waxaa soo gaaray dhaawac dhanka sinta ah xili uu tababar dhanka kaarateega ku guda jiray.

 

 

Sooraj wuxuu Bollywood-ka kusoo biiray sanadii 2015 asigoo sameeyay filimka Hero oo ganacsi ahaan guul dareestay amaan wacan ku helay doorkiisii.

Sooraj oo isku diyaarinayo filimka Action-ka ah ee Director Prabhu Deva iska leeyahay ayuu dhaawacan soo gaaray wuxuuna sheegay in haatan xaalada ku cuslaatay.

 

 

Sooraj Pancholi wuxuu yiri “Dhaawaca sinta anigoo tababarka kaarateega qaadanayo ayuu isoo gaaray, waxaa islahaa wax weyn ma ahan maalmo ayaan Gym ku aaday balse hada waxaan gaaray xaalad aan socon waayay”

 

 

“Hada waxaan ku qasbanahay inaan nasto sidoo kalena taxadir dheeraad ah muujiyo inta sinta kala baxday iska qabsaneyso, balse nasiib wanaag wax jab ah ma jiro”

 

 

Sooraj Pancholi ma doonayo filimkaan weyn ee Prabhu Deva iska leeyahay inuu dib ku imaado madaama la qorsheeyay bisha October ee sanadkaan in duubis lagu bilaabo waana filim Action heer sare ah wiilkan yar kusoo bandhigi doono.