War La Helay : Karan Johar Hooyadiis In ay Dhalatay Filim Sameeyaha Caanka Ahaa Yash Chopra
wwwwwwwwwwwwwwwwwwwwww
September 4th, 2017
69 Views

War La Helay : Karan Johar Hooyadiis In ay Dhalatay Filim Sameeyaha Caanka Ahaa Yash Chopra

 

 

 

 

 

Inta badan jilaayaasha Bollywood-ka waxaa ka dhaxeeyo xiriir la wada og yahay balse waxaa jiraan shaqsiyaad caan ah oo fanka Hindiya ka tirsan misana aan lagu baraarugsaneyn inuu xiriir dhanka qoyska ah ka dhaxeeyo.

 

 

Hadaba aqristayaal mala socotiin in filim sameeye Karan Johar hooyadiis Heeru Chopra ay la dhalatay filim sameeyaha caanka ahaa ee geeriyooday Yash Chopra.

 

 

 

Heeru Chopra markii uu guur saday filim sameeye Yash Johar waxay qaadatay magaca Heeru Chopra waana midka haatan loogu yareeyo waxayna u dhashay wiilka lagu magacaabo Karan Johar.

 

 

Mid kale aan idiin sii raacino qoyska caanka ah Chopra Family waxaa hooyo u ah Vilayati Raj Chopra ayadoo hooyo u ahayd Baldev Chopra oo shirkada BR Chopra aas aasay, Yash Chopra oo shirkada Yash Raj Films aas aasay, Vinod Chopra oo dhalay filim sameeyaha/galiyaha Vidhu Vinod Chopra iyo Heeru Chopra oo guursatay filim sameeye Yash Johar hadana hooyo u ah Karan Johar.

 

 

Sidaa darteed Yash Chopra abti ayuu u ahaa Karan Johar halka Yash Chopra caruurtiisa Aditya Chopra iyo Uday Chopra ay walaalo la yihiin Karan.