Xisbiga WADDANI Oo Ku Fashilmay Hanashada Taageerayasha Codbixiyasha Gudaha Dalka Jooga Bilabayna in uu Dibada Kasoo Dhoofsado Tageerayaal Cusub+SAWIRO
wwwwwwwwwwwwwwwwwwwwww
October 17th, 2017
58 Views

Xisbiga WADDANI Oo Ku Fashilmay Hanashada Taageerayasha Codbixiyasha Gudaha Dalka Jooga Bilabayna in uu Dibada Kasoo Dhoofsado Tageerayaal Cusub+SAWIRO

 

 

 

 

Hargeisa (Dalmar-News):-Saraakiisha sar sare ee xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa waxaa ay saaka madaarka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ay si diiran ugu soo dhaweyeen masuulyiin ka tirsan xisbiga Waddani oo ka mid dalalka qaarada Yurub .

 

 

 

Masuulyiintan ayaa waxaa ay kala yahiin Jamac Saleeban Cabdi Macuun Xidhiidhiyaha bariga Africa ee xisbiga Waddani iyo Mustafe Haruun Cabdilaahi Gudoomiyaha xisbiga Waddani ee magaalada Brigham , waxana ay dalka u yimadeen sidii ay uga qeyb qaadan lahayeen olalaha xisbiga Waddani iyo doorashooyinka dhawaan dalka ka dhici doona.

 

 

 

Mudooyinkii u danbeeyey waxa magaalada Hargeysa kusoo qulqulayay munaaqibiinta iyo saraakiisha xisbiga WADDANI ee dalalka Caalamka,kuwaas oo ujeedada socdaalkoodu daaran yahay sidii ay dhankooda uga qayb qaadan lahaayeen doorashada madaxtooyada Somaliland ee la filayo inay dhacdo 13, Nofember 2017-ka.

 

 

 

 

 

Xafiiska Shabakada Dalmarnews.com
Hargeisa/Somaliland
Dalmarnews@gmail.com

Abdiraxiin ahmed